Ciidamada booliiska ee magaalada Kitengela ee ismaamulka Kajiado ayaa xiray 20 qof oo eedeysanayaal ah.
Laamaha ammaanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay mootooyin gaaraya 26.
Tani ayaa timid ka dib markii wadayaasha dhugdhugleyda ay burburiyeen baabuur jiiray wade iyaga ka mid ah iyo dad lugeynayay.
Eedeysanayaasha ay booliisku xireen waxaa ka mid ah Benson Kiyai, Gabriel Kinyua, Alex Mureithi, Mutuku Kasyoka, Stephen Mutinda, Nicholas Kasyoka, Nicholas Karuiru, Francis Kimanzi, Samuel Senteu iyo Antony Kamene.
Waxay dhammaantood wajihi doonaan dacwad ku saabsan inay gaysteen burbur hantiyeed.
Darawalka gaarigiisa ay waxyeelladu gaartay Conex Kemunto Onengo ayaa isna hadda ku jiro saldhigga booliiska.




