20 milyan oo qof oo geeska Afrika ku wajahaya macluul

0
335
In this photo taken Saturday, Feb. 25, 2017, displaced Somali boys who fled the drought in southern Somalia stand in a queue to receive food handouts at a feeding center in a camp in Mogadishu, Somalia. Thousands of desperate people are streaming into Somalia's capital seeking food as a result a prolonged drought, overwhelming local and international aid agencies, while the Somali government warns of a looming famine, compounded by the country's ongoing conflict against Islamic extremists. (AP Photo/Farah Abdi Warsameh)

Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa sheegtay in ilaa 20 milyan oo qof oo ku nool waddamada Kenya , Soomaaliya iyo Itoobiya ay halis ugu jiraan macluul.
Tani ayaa loo aaneeyay abaarta ka jirta dalalkan ee sii xumaanaysa.
Hay’adda cunnada adduunka ee WFP ayaa laga soo xigtay in tirada dadka baahan ay tahay 14 milyan balse ay suurtagal tahay inay sii kororto.
Waxay hay’addu intaasi ku dartay in dhaqaale la’aan jirta awgeed ay xaaladdu sii adkaan karto sidaas awgeedna 6-da bilood ee soo socota ay u baahan tahay lacag dhan 473 milyan oo doolar
Codsi hore oo ay qaramada midoobay soo saartay bishii labaad ee sanadkan ayaa horseeday in la uruuriyo wax ka yar boqolkiiba afar ee qiimihii ay soo bandhigtay.