20 ka mid ah maxaabiista xabsiga dhexe ee Nyahururu oo ay qaaxo saameysay

0
378

Waaxda caafimaadka ee ismaamulka Laikipia ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 ka mid ah maxaabiista xabsiga dhexe ee Nyahururu GK Prison uu ku dhacay xanuunka qaaxada.
Tani ayaa timid ka dib baaritaano caafimaad oo la sameynayay muddo toddobaad ah.
Isku duwaha barnaamijka ka dhanka ah Qaaxada ee Laikipia ,Muriithi Wanjiku ayaa sheegay in la baaray in ka badan 700 oo maxaabiis ah.
Saraakiisha caafimaadka ayaa hoosta ka xarriiqay in ciriiri ka jiro xabsiga uu sababay in xanuunka uu xabsiga ku faafo.
Guddoomiyaha ismaamulka Laikipia, Joshua Irungu ayaa sheegay inaynan arrintan fududeysanayn oo la dhisaya xarun gaar ah oo lagu haynaya maxaabiista cudurka laga helay.