Labo qof ayaa la xaqiijiyay inay geeriyoodeen ka dib markii ay ku soo duntay meel dhagaxaanta laga qodo ee dowlad deegaanka Meru.
Dhacdan ayaa sido kale waxaa ku dhaawacantay ilaa iyo laba qof .
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in godkii ay ku jireen shaqaalaha goobta kaawada laga qodo uu dhagax ku soo dhacay taas oo sababtay geerida iyo dhaawaca.
Sido kale arrintaan ayaa waxaa xaqiijiyay taliyaha ciidamada booliska ismaamulka Meru.
Waxaa uuna ugu baaqay shaqaalaha qodaa dhagaxaanta inay feejignaan muujiyaan marka ay ku guda jiraan hawlahooda shaqada.