2 qof oo loo xiray haweeney laga afduubtay Juja

0
358

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay labo eedeysanayaal oo loo haysto inay saddex cishe ka hor haweeney ka afduubteen deegaanka Juja ee ismaamulka Kiambu.
Waxay afduubka ka dib haweeneyda ka dhaceen in ka badan 645,000 oo shilin.
Tuhmanayaasha la qabtay ayaa lagu kala magacaabaa Laban Chomba Muthini iyo Peter Mugera Maburi.
Haweeneyda ay dhibaatadu soo gaartay ayaa aqoonsatay labada qof waxaana tuhmanayaasha la geeyay maxkamadda Kiambu iyadoo saraakiisha loo oggolaaday inay soo dhameystiraan baaritaannada ay wadaan.