2 qof oo loo xiray dilka ardayad dhiganaysay jaamacadda Maasai Mara

0
208

Waxaa lagu soo warramaya in muddo 21 cishe ah ay xabsiga ku jiri doonaan labo qof oo lala xiriirinaya dhacdo lagu dilay mid ka mid ahayd ardayda jaamacadda Maasai Mara.
Muddadan ayay ciidamada booliiska ku soo gabagabeyn doonaan baaritaannada.
Eedeysanayaasha ayaa lagu kala magacaabaa Brian Kimutai Bepco iyo John Mwangi Kashu.
Gabadha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Adah Nyambura waxaana dhawaan meydkeeda laga helay ismaamulka Narok.
Kiiskan ayay mar kale maxkamadda soo qaadi doontaa 23-ka bishan Shanaad.