Maxkamadda ismaamulka Kwale ayaa ciidamada ammaanka u oggolaatay in ay muddo 21 cishe ah xabsiga ku sii hayaan labo qof oo ku eedeysan ka ganacsiga daroogada.
Tani ayaa timid ka dib codsi ay gudbisay waaxda dacwad oogidda oo sheegtay in saraakiisha ay u baahan yihiin muddo dheeraad ah oo ay ku soo gabagabeeyaan baaritaannada.
Dhawaan ayay ahayd markii waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ay sheegtay in labadan ruux lagu xiray Diani oo ka tirsan ismaamulka Kwale ka dib markii ciidamada booliiska ay halkaasi ku arkeen shaybaarka xashiishka oo lagu tilmaamay mid qarsoodi ah.
Gianardi Giuliano oo u dhashay Talyaaniga da’diisuna ay tahay 37 sano jir iyo Moses Nanoka Egadwa ayaa ku eedeysan in ay hirgeliyeen goobtaasi.
Waxaa soo xiray saraakiisha waaxda la dagaallanka maandooriyaha ee (ANU) iyo booliiska oo howlgal ka sameeyay dhul ah ilaa hal eekar oo ku yaalla tuulada Mwabungo ee Ukunda.
Laamaha ammaanka ayaa hoosta ka xarriiqay in baaritaanno dheeraad ah lagu helay agabka sheybaarka iyo kiimiko ay eedeysanayaasha u adeegsanayeen sameynta xashiishka.
Saraakiisha qaybaha gaarka ah ee dambi baarista , booliiska iyo khuburrada kiimikada ee dowladda ayaa mar kale booqday sheybaarkaasi.
DCI ayaa xustay in la soo helay waxyaabo dheeraad ah waxayna waaxdu xustay in hadda ay baaritaannada socdaan oo wixii ku soo kordho ay dadweynaha la wadaagi doonto.