Maxkamadda ayaa amartay in baaritaan dhanka caafimaadka maskaxda ah lagu sameeyo labo qof oo loo haysto dilkii Daniel Muthiani oo ku magacdheeraa Sniper oo ka mid ahaa shakhsiyaadka warbixinnada ku soo qoro baraha bulshada iyo shabakadaha intarneetka.
Ninkan ayaa sanadkii hore lagu dilay ismaamulka Meru oo uu ka howlgalayay.
Eedeysanayaasha ayaa xabsiga ku sii jiri doono toddobo cishe oo dheeraad ah inta laga sameynaya baaritaanka maskaxeed ee ay marayaan.
Waxaa amarkan soo saartay ku xigeenka madaxa diiwaangeliyaha ee maxkamadda sare ee dalka laanteeda ismaamulka Kiambu Jackline Karani.
Labada eedeysanayaal ayaa kala ah Vincent Mureithi Kirimi iyo Murangiri Kenneth Guantai.
Waxay ilaa 29-ka bishan ku jiri doonaan saldhigga booliiska ee xaafadda Muthaiga ee magaalada Nairobi ka hor inta aynan maxkamadda ka soo hormuuqan si loo dhageysto codsi racfaan ah oo ay gudbiyeen.
Daniel Muthiani ayaa la waayay 2-dii bishii 12-aad ee sanadkii hore balse waxaa meydkiisa la helay labo toddobaad ka dib iyadoo baaritaan la sameeyay lagu ogaaday inuu u geeriyooday ceejin.




