Waxaa la xaqiijiyay in labo qof ay ku dhinteen duqeymo dhanka cirka ah oo lala eegtay dhowr ka mid ah magaalooyinka dalka Ukraine.
Meelaha uu xalay Ruushku weeraray waxaa ka mid ah magaalada Kherson oo labada qof lagu dilay.
Sidoo kale dhowr ruux ayaa ku dhaawacmay burburka gantaallo lagu soo riday caasimadda Ukraine ee Kyiv.