Wararka naga soo gaaraya aagga Kerio Valley ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay labo qof maalmo un ka dib socdaalkii wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i .
Tani ayaa timid ka dib iskudhac dhex maray xoolo dhaqato ka soo kala jeeda ismaamullada Elgeyo Marakwet iyo Baringo.
Dhawaan ayay ahayd markii Dr. Matiang’i uu hoggaamiyaasha siyaasadeed iyo shacabka deegaanadaasi ka codsaday inay saraakiisha ammaanka garab ku siiyaan sidii loo soo afjari lahaa dilalka inta badan ka dhasho dhaca xoolaha.
Ciidamada ammaanka ayuu dhanka kale ku amray inay sare u qaadaan howlgallada ka dhanka ah burcadnimada .
Sidoo kale wasiirka ayaa cid kasta oo haysato hub sharci darro ah ka dalbaday inay muddo kooban gudaheed ugu wareejiso dowladda hadii kale tallaabo sharciyeed laga qaadi doono.