2 qof oo lagu dilay ismaamulka Marsabit

0
370

Wararka inaga soo gaaraya ismaamulka Marsabit ayaa sheegaya in laba qof oo dheeraad ah ee halkaas ku dileen kooxo hubeysan oo aan heybtooda la aqoonin.
Waxaana walaac laga muujinaya in dowlad deegaanka Marsabit ay colaado ka dhacaan iyadoo dalka uu sagaalka bisha sedeedaad ee sanadkaan 2022-ka galayo doorasho guud .
Taliyaha booliska ee ismaamulka Marsabit Robinson Mboloi ayaa xaqiijiyay in laba qof ay toogteen kooxo aan la garanayn iyadoona mid ka mid ah lagu toogtay agagaarka dhismaha Post Bank ee Marsabait.
Waxaana sare loo qaaday xaqiijinta ammaanka Marsabit iyo nawaaxigeeda ka dib markii laba qof oo waayeel ah lagu dilay mid kalena lagu dhaawacay saddex dhacdo oo kala duwan oo ka dhacay Marsabit.
Booliska ayaana sheegay inay gacanta ku soo dhigi doonaan dambiilayaashii ka dambeeyay falalka amniga diliga ku ah.