2 qof oo lagu dilay Falastiin

0
221

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Falastiin ayaa sheegtay in ciidamada Israa’iil ay dileen ugu yaraan labo ruux oo Falastiiniyiin ah.
Tani ayaa timid ka dib markii militariga Israa’iil uu weerar ka fuliyay magaalada Nablus ee daanta galbeed.
Howlgalkaasi ayaa waxaa ku dhaawacmay 36 qof oo dheeraad ah.
Waxay wasaaraddu intaasi ku dartay in afar ka mid ah dhaawaca ay xaaladooda caafimaad liidato.
Ciidamada qalabka sida ee Israa’iil ayaa dhankooda sheegay inay howlgal ka wadaan magaalada Nablus in kastoo aynan faahfaahin dheeraad ah bixin.
Tirada Falastiiniyiinta ee tan iyo billowgii sanadkan ku dhintay weerarrada Israa’iil ayaa hadda ah 53 oo ay ka mid yihiin 12 caruur ah.