Weerar abaare 10-kii habeenimo ee xalay lala eegtay baska shirkadda Salama ayaa waxaa ku dhintay labo qof iyadoo dhowr ruux oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Baska ayaa ka soo baxay Moyale oo ka tirsan ismaamulka Marsabit wuxuuna ku soo wajahnaa dowlad deegaanka Nairobi .
Ciidamada booliiska ayaa laga soo xigtay in koox hubeysan ay baabuurka rasaas ku furtay xilli uu marayay inta u dhexeysa isgoyska Bori Junction iyo Dadach Lakole ee deegaanka Moyale.
Waxay dhaawacyo culus soo gaareen ilaa afar qof oo ka mid ah rakaabkii uu basku siday .
Dhaawaca ayaa la geeyay isbitaalka degmada Sololo si loo daryeelo.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in markii hore uu weerarka ku geeriyooday hal qof iyadoo qofka labaadna uu u dhintay dhaawacyadii soo gaaray.
Sidoo kale waxaa dhacdadaasi ka dib la weeraray baabuur kale oo waddadaasi marayay waxaana halkaasi lagu dhaawacay hal qof oo kale.
Ilaa iyo hadda lama aqoonsan haybta kooxdii weerarradan gaysatay.
Dhacdooyinkan ayaa imaanaya toddobaadyo un ka dib markii ismaamulka Marsabit lagu dilay toddobo qof.