2 qof oo ku dhintay shil ka dhacay waddada Mai Mahiu-Narok

0
350

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada hooyo iyo canuggeeda ka dib shil abaare 11-kii habeennimo ee xalay laga soo tabiyay waddada wayn ee xiriirisa Mai Mahiu iyo ismaamulka Narok.
Shirkadda basaska ee ENA Coach ayaa bayaan ku sheegtay in baabuur xamuul uu dhanka dambe uga dhacay mid ka mid ah basaskeeda .
Baska oo ka ambabaxay Nairobi ayaa ku wajahnaa magaalada Kehancha ee ismaamulka Migori wuxuuna siday 47 rakaan iyo 3 shaqaale ah.
Xilli uu gaariga xamuulka qaada ka soo degayay meel sare ayuu furinka goostay taasi oo sababta in gaariga uu ku dhaco labo kale oo ka horreysay iyo baska.
Agaasimaha fulinta ee shirkadda ENA Richard Mogire ayaa xusay in baska uu waddada ka baxay kadibna rogmaday.
Mogire ayaa tacsi u diray qoysaska labada qof ee shilka ku geeriyootay isagoo caafimaad degdeg ah u rajeeyay kuwa dhaawacmay.
Waxaa uu intaasi ku daray in ay si dhow ula shaqeynayaan maamullada baaritaannada sameynaya.
Dhanka kale ,waxaa la xaqiijiyay dhimashada afar ruux halka rakaab kalena uu soo gaaray dhaawac culus oo ay xaaladiisu liidato.
Tani ayaa timid ka dib shil laga soo tabiyay waddada xiriirisa Kibwezi-Kitui ee ismaamulka Makueni .
Waxaa dhacdadan iyo khasaaraha nafeed ee ka dhashay warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha booliiska ee Kibwezi ,Morris Situma.
Shilka ayaa dhacay abaare 11-kii habeennimo ee xalay waxaana isla goobta ku geeriyooday saddex qof.
Labo qof oo dhaawac ah oo la geeyay isbitaalka AMREF ee Kibwezi si loo daaweeyo ayuu mid ka mid ah u geeriyooday dhaawacyadii cuslaa.
Taliye Situma ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in wadaha uu baabuurka si xowli ah u kaxeynayay taasi oo keentay inuu xakameyn waayo kadibna uu gaariga rogmado.
Waxaa uu intaasi ku daray in hadda ay socdaan baaritaanno dheeraad ah oo lagu hubinaya sidii ay wax u dhaceen.