DHEGEYSO:2 qof oo ku dhintay shil ka dhacay Migori

0
406

Waxaa la xaqiijiyey dhimashada labo ruux halka toddobo kalena ay ku dhaawacmeen shil xalay ka dhacay ismaamulka Migori.
Shilka oo u dhexeeyay baabuur takhsi ah iyo mid xamuul ayaa laga soo tabiyay aagga Mabera gaar ahaan buundada Nyametembe ee deegaanka Waqooyiga Kuria ee dowlad deegaanka Migori.
Qaar ka mid ah shacabka oo dhacdadaasi ka hadlay ayaa dowladda ka codsaday in ay ballaariso buundadaasi oo ay sheegeen in ay horay uga dheceen shilal ay dad ku nafwaayeen.