2 qof oo ku dhintay shil ka dhacay Kerugoya

0
215

Waxaa la xaqiijiyay in labo qof ay ku dhinteen magaalada Kerugoya ee ismaamulka Kirinyaga ee gobolka bartamaha dalka.
Tani ayaa timid ka dib markii ay isku dhaceen mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano mataatuuda iyo mooto si xowli ah loo waday.
Labada qof ee shilka ku nafwaayay ayaa kala ah wadihii mootada iyo qof rakaab ah oo uu siday.
Shilka ayaa shalay laga soo tabiyay meel u dhow fagaaraha Kerugoya stadium.
Meydadka labada qof ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka magaalada Kerugoya halka mataatuuda iyo mootada loo qaaday saldhigga booliiska ee magaaladaasi.