2 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay xeebta dalka

0
385

Shil ka dhacay wadada isku xirta ismaamullada Mombasa iyo Kwale ee gobolka xeebta ayaa lagu soo warramayaa inay labo qof ku dhinteen.
Dadkan ayaa kala ah wadihii baabuurka shilka galay iyo wiil uu dhalay oo hal sano jir ah.
Waxaa dhacdadaasi uu dhaawac culus ka soo gaaray labo qof oo kale.
Shilka ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha booliska ee ismaamulka Kwale Stephen Oloo .
Wixii ku soo kordho wararka dambe ee idaacadda ayaad ku maqli doontaan.