Waxaa la xaqiijiyay dhimashada labo ruux ka dib shil ka dhacay waddada wayn ee xiriirisa degmada Mwea ee ismaamulka Kirinyaga iyo dowlad deegaanka Embu.
Shilka oo laga soo tabiyay isgoyska Kandongu ayaa u dhexeeyay gaadiidka dadweynaha ee mataatuuda oo siday 14 qof oo rakaab ah iyo mooto ay saarnaayeen labo ruux oo isla goobta ku dhintay.
Dhugdhugleyda oo ka timid Ngurubani ayaa ku wajahnayd Makutano waxayna ku dhacday baabuur dhanka kale ka soo socday.
Wadihii mootada iyo qofkii uu siday oo ay dhaawacyo dhowr ah soo gaareen ayaa la geeyay isbitaal maxalli oo gaar ah halkaasi oo ay ku geeriyoodeen.
Goobjooge lagu magacaabo Joseph Muchoki, ayaa dowladda ugu baaqay inay waddadaasi geliso hannaanka lagu xakameeyo xawaaraha gaadiidka maadaama ay goobtaasi shilal badan horay uga dhaceen.
Meydadka labada qof ee shilka ku dhintay ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee magaalada Kerugoya halka mataatuuda iyo mootada loo jiiday saldhigga booliiska ee Sagana si baaritaano dheeraad ah loo sameeyo