Madaxweynaha dalka William Samoei Ruto ayaa ka dib codsi uga yimid dhigiisa Suudaanta Koonfureed Salva Kiir, waxaa uu taliyihii hore ee ciidamada qalabka sida ee Kenya Lazarus Sumbeiywo u magacaabay dhexdhexaadiyaha guud ee geeddisocodka nabadeed ee Suudaanta Koonfureed.
Sidoo kale madaxweyne William Ruto ayaa Ambasadoor Maxamad Cali Guyo u magacaabay gacan yaraha dhexdhexaadiyaha.
Ruto ayaa sheegay in qorshuhu uu yahay in bisha 12-aad ee sanadkan ay doorasho guud ka dhacdo Suudaanta Koonfureed sidaasi awgeedna uu madaxweyne Salva Kiir waydiistay in wada hadallada nabadeed ay ka qabsoomaan Nairobi.
Waxaa wada xaajoodyada qayb ka ah ururrada mucaaradka iyo qaybaha kale ee bulshada ee dalkaasi.
Ujeeddada wada hadallada ayaa ah in lagu heshiiyo qabsoomidda doorashada iyo xaqiijinta nabad galyada.
William Ruto ayaa sheegay in sababta uu u soo xushay Mr. Sumbeiywo ay tahay inuu khibrad ku dhawaad muddo 20 sano ah u leeyahay geeddisocodka nabadeed ee Suudaanta Koonfureed.
Waxaa uu shaqeyn doonaa laga billaabo 1-da bisha Afaraad ee sanadkan ilaa iyo 30-ka bisha 6-aad ee sanadka dambe.
Mr Sumbeiywo ayaa laga doonaya inuu bil kasta si toos ah warbixin ugu soo gudbiyo madaxweyne William Ruto.