2 qof oo isbuurasho ugu dhimatay garoonka Nyanyo

0
428

Labo qof ayaa la xaqiijiyay in ay isbuurasho ku dhinteen garoonka Nyayo Stadium xili ay socotay aaska qaran ee loo samaynayay Raila Odinga.
Dhawr qof oo kale ayaa lagu soo waramaya in ay ku dhaawacmeen.
Tan ayaa imaanaysa maalin un kadib markii seddax lagu dilay Garoonka Kasarani Stadium xili halkaas ay ka socotay daawashada Meydka Raa’isul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga.
Tan iyo markii uu geeriyooday Raila Odinga waxaa gudaha Kenya Lagu arkay rabshado xoogan oo ay ku nafwaayeen in ka badan shan ruux.
Iyadoo ay wali socoto qabanqaabada maalmihii ugu dambeeyay aaska Raila Odinga Mas’uuliyiinta ayaa shacabka waxaa ay ugu baaqayaan in ay isdajiyaan oo aysan abuurin rabshado.
Waxaa ay sido kale ugu baaqeen in ay ixtiraamaan meydka Raila Odinga.
Maanta oo sabti ah ayaa meydka hogaamiyihii hore ee Mucaaradka loo qaadaya ismaamulka Kisumu si dadweynaha loogu soo bandhigo meydkiisa.
Berri oo axad ah ayaa lagu aasi doona deegaanka Bondo ee ismaamulka Siaya.
Dad kooban oo qoyskiisa ah iyo Mas’uuliyiinta dalka ayaa loo ogolaaday inay goobjoog u noqdaan aaskiisa si looga fogaado rabshado.