2 qof oo fududeeyay weerar 2019 ka dhacay Dadaab oo la xiray min 30 sano

0
268

Maxkamadda magaalada Garissa ayaa min 30 sano oo xukun xabsi ah ku ridday labo qof oo lagu helay fududeynta weerar argagixisannimo oo sanadkii 2019-kii ka dhacay deegaanka Dadaab ee ismaamulka Garissa.
Waxaa xilligaasi ay miinada dhulka lagu aaso ee (IED) ay ku qaraxday baabuurka ciidamada ammaanka.
Garsoore J. Omwange ayaa amray in min 30 sano la xiro Faarax Axmed Sambul iyo Minaj Xassan Khalid.
Waxaa lagu helay in ay gaysteen fal argagixisannimo oo ay xubno ka ahaayeen koox argagixiso ah.