Waxaa xalay deegaanka Kasarani ee ismaamulka Nairobi lagu xiray labo qof oo ku eedeysan ka ganacsiga shiishadda.
Saraakiisha maamulka qaran ee ololaha ka dhanka ah maandooriyaha ee NACADA ayaa howlgal ka sameeyay goobta lagu caweeyo ee Alfakher oo ku taalla waddada Mirema Drive.
Mas’uuliyiinta ayaa magacyada labada eedeysanayaal ee howlgalka lagu soo qabtay ku kala sheegay Patricia Wanza iyo Asmelder Wambui.
NACADA ayaa hoosta ka xarriiqday in howlgalka oo socday ilaa aroornimadii hore ee maanta lagu soo helay 109 ah agabka shiishadda lagu isticmaalo.
Waxaa howlgalka qayb ka ahaa saraakiisha waaxda dambi baarista iyo ciidamada booliiska oo goobtaasi ku qabtay badeecooyin kontaraabaan ah.
Labada eedeysane ayaa ku jiri doono saldhigga booliiska ee deegaanka Kasarani inta laga qaadaya tallaabada xigta.
Sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii gudaha Kenya laga mamnuucay soo saaridda, ka ganacsiga, isticmaalka , qaybinta iyo xayeysiinta shiishadda.
Tan iyo bishii Diseembar ee sanadkii hore , maamulka NACADA ayaa xoojiyay howlgallada ka dhanka ah maandooriyaha noocyadiisa kala duwan.