2 milyan oo Xujey ah oo maanta taagan buurta Carafo

0
186

Ku dhawaad 2 milyan oo Xujey ah ayaa maanta taagan Banka Carafo oo sanadkan gudanaya acmaasha tiirka shanaad ee islaamka ee Xajka.
Kumanaan Soomaali ah oo ka baxay dalkani Kenya, Soomaaliya iyo wadanka dibaddiisa ayaa ka mid ah muslimiinta gudaneysa waajibaadka xajka ee sanadkan.
Xujeyda ayaa xalay ku hooyday Mina oo qiyaastii 8.8 kiilomitir u jirta magaalada barakeysan ee Makkah ee boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana la arkayaa ciidamo aad u badan oo ku sugan Buurta Carafo.
Sidoo kale muslimiinta ku nool caalamka ayaa maanta oo kale sagaalka bisha Dulxijah ay sooman yihiin, lagana cafinayo dunuubta yar yar ee galeen laba sano.
Maalinta berri ah ayaa guud ahaan dunida lslaamka looga dabaal deggi doona maalinta koowaad ee ciidul Adxaa oo ka mid ah ciidaha ugu waaweyn ee muslimiintu leeyihiin.