2 milyan oo qof oo lagu bartilmaameedsanaya tallaalka daacuunka

0
271

Waxaa uu qorshuhu yahay in qaar ka mid ah ismaamullada wadanka laga billaabo tallaal ka dhan ah cudurka daacuunka oo lagu bartilmaameedsan doono ilaa 2 milyan oo qof.
Arrintan ayaa waxaa ansixiyay golaha wasiirrada ee dalka oo shalay yeeshay kulankii saddexaad ee uu shir guddoomiyay madaxweynaha dalka William Ruto.
Ismaamullada tallaalka daacuunka laga sameyn doono ayaa kala ah Nairobi, Machakos iyo Garissa.
Bayaanka golaha wasiirrada waxaa ku cad in shacabka loogu baaqayo inay aad u taxaddaraan oo ay nadaafadda ku dadaalaan.