2 ka mid ah wadayaasha mootooyinka oo shil ku dhintay

0
411

Waxaa la xaqiijiyay in labo ka mid ah wadayaasha mootooyinka ay ku dhinteen shil laga soo tabiyay waddada wayn ee u dhexeysa ismaamullada Kisumu iyo Busia.
Shilka ayaa xalay fiidkii ka dhacay aagga loo yaqaano Simerro .
Magacyada wadayaasha shilka ku geeriyooday ayaa lagu kala sheegay Samuel Odondo iyo Sylvester Omolo.
Labada qof ayaa isla goobta ku dhintay ka dib markii ay isku dhaceen mootooyinka.
Waxaa shilka iyo khasaaraha nafeed ee ka dhashay warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha booliiska ee ismaamulka Siaya Cleti Kimaiyo.
Taliyaha ayaa sheegay in Odondo uu ka yimid dhanka Kisumu oo uu ku wajahnaa Busia balse markii uu soo gaaray Simerro uu isku dayay inuu baabuur ka hormaro taasi oo keentay in ay isku dhacaan mootada kale.
Qof rakaab ah oo uu siday wadaha labaad ayaa shilka ku dhaawacmay waxaana la geeyay isbitaalka Rang’ala si loo daaweeyo.
Mr. Kimaiyo ayaa sheegay in meydadka labada ruux ee shilka ku geeriyooday la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka deegaanka Ambira.
Mootooyinka oo uu burbur soo gaaray ayaa loo jiiday saldhigga booliiska ee deegaanka Ugunja .
Taliyaha ayaa gaadiidleyda ugu baaqay in ay taxaddar dheeraad ah muujiyaan si looga baaqsado dhacdooyinka shilalka.