2 ka mid ah ciidamada Israa’iil oo toogasho lagu dhaawacay

0
241

Militariga Israa’iil ayaa sheegay in labo ka mid ah ciidamadiisa qalabka sida ay ku dhaawacmeen toogasho ay mas’uuliyadeeda sheegatay koox hubeysan oo ka howlgasho gudaha dalka Falastiin.
Weerarka ayaa laga soo tabiyey magaalada Huwara ee Daanta Galbeed.
Kooxda xoreynta Falastiin ee (PLFP) ayaa bayaan ku sheegtay inay toogashada gaysatay.
Militariga Israa’iil ayaa dhankiisa xusay inuu raadinaya shakhsiyaadka lagu tuhmay falkan.
Waa toogashadii saddexaad ee muddo bil ah laga soo tabiyo magaalada Huwara oo uu maamulka Israa’iil ka fuliyey howlgallo militari oo dhowr ah.