2 ka mid ah booliiska Dadaab oo qarax ku dhintay

0
518

Inta la hubo 2 ka mid ah ciidamada booliiska ee deegaanka Dadaab ee ismaamulka Garissa ayaa ku dhintay qarax miino ah oo maanta laga soo tabiyay waddada isku xirta Garissa iyo Dadaab.
Wararka ayaa sheegaya in miinada dhulka lagu aaso waddada loo geliyay baabuur ay leeyihiin ciidamada booliska ee Dadaab.
Dhacdadan ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 3 ka mid ah saraakiisha ammaanka.
Dhaawaca ayaa la geeyay isbitaalka magaalada Garissa.
Weerarka ayaa ka dhacay meel 2 kiilomitir u jirta tuulada Xagarbuul ee deegaanka Dadaab.
Laamaha ammaanka oo goobta gaaray ayaa hadda wado baaritaano dabagal ah.
Isla bishan dhexdeeda ayay ahayd markii meel aan ka fogeyn halka uu maanta qaraxan ka dhacay miinada dhulka lagu aaso lagula eegtay ciidamada ammaanka waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhawac.
Sararakiisha ammaanka ee deegaanka Dadaab ayaan weli faahfaahin ka bixin dhacdadan cusub oo ay si aad ah u cambaareeyeen shacabka iyo madaxda.
Wixii qodobkan ku soo kordho dib ayaad kala socon doontaan.