2 carruur ah oo lagu dilay Kashmiir

0
297

Qarax ka dhacay tuulo ka tirsan gobolka ay India maamusho ee Kashmiir ayaa waxaa lagu dilay labo carruur ah halka shan qof oo kale oo shacab ah ay dhaawacmeen.
Tani ayaa imaanaysa hal maalin un ka dib markii ay koox aaggasi weerar ka gaysatay ay ku dishay ugu yaraan afar qof.
Tuulada qaraxa lala eegtay ayaa loo yaqaana Dhangri waxana ku taalla degmada Koonfureed ee Rajouri .
Saraakiil maxalli ah ayaa laga soo xigtay in laba carruur ee weerarka lagu dilay ay da’doodu tahay 5 sano iyo 12 sano.
Waxaa uu ku soo aadaya weerarkan maalin un ka dib markii kooxihii weerarka soo qaaday ay rasaas ku fureen guryo isku xiga oo isla aaggaas ku yaalla, waxaana ku dhintay ugu yaraan afar qof, sida ay booliiska sheegeen.
Habeenimadii Axadda ee 1-dii bishan, labo nin oo hubaysan ayaa si aan kala sooc lahayn rasaas ugu furay saddex guri oo ku yaalla tuulada Dhangri, sida uu warbaahinta u sheegay sarkaal ka tirsan booliiska.
Waxaa uu intaasi ku daray in afar qof oo shacab ah ay dhinteen halka shan kalena ay dhaawacmeen.
Booliiska ayaa weerarradan ku eedeyay mileeshiyaad hubeysan.
Weerarrada noocan ayaa dhowr mar laga soo tabiyay gobolka Himalayan ee ay ku muransan yihiin dowladaha India iyo Pakistan.
Ma cadda in walxaha qarxa ay ka tageen kooxihii weerarka gaystay habeenimadii Axadda.
Ciidamada booliiska oo goobta gaaray ayaa baadi goob ugu jira kooxihii weerarka soo qaaday.
Dhangri waa tuulo ay ku badan yihiin dadka Hinduuga ah, waxaana dhammaan dadka ku dhintay labada weerar ay ahaayeen dad dhalasho ahaan ka soo jeedo dalka India.
Boqolaal dadweyne ah ayaa isugu soo baxay magaalada Dhangri kuwaas oo ka soo horjeeda weerarradan, iyagoo ku dhawaaqayay erayo ay ku cambaareynayaan kooxihii weerarka gaystay.