Labo carruur ah ayaa la xaqiijiyay inay geeriyoodeen ka dib markii uu xalay dab ka kacay dhismo ku yaalla xaafadda Umoja 3 estate ee magaalada Nairobi.
Goobjoogayaal ayaa laga soo xigtay in dabka uu billowday abaaro 9-kii fiidnimo ee xalay ka dib markii mid ka mid ah guryaha uu dabka qabsaday uu si degdeg ah ugu fiday qaybaha kale ee deriska la ah.
Carruurta dhintay ayaa da’doodu u dhexeysay 4 ilaa 5 sano jir, iyadoo lagu soo warramaya in kaligood ay ku sugnaayeen guriga xilligii uu dabka kacayay.
Dhacdadan ayaa waxaa saameyn ka soo gaartay tobannaan qof oo ka mid ahaa dadka xaafadaasi kuwaas oo hooy la’aan noqday ka dib markii ay basbeeleen guryahoodii iyo hantidoodii.
Dukaamo iyo meherado kale oo ganacsi oo halkaasi ku yaallay ayaa sidoo kale waxyeelo soo gaartay.