Waxaa lagu soo warramayaa in labo carruur ah ay ku quusteen webiga Omogonga ee ku yaalla degmada Nyamache ee ismaamulka Kisii.
Carruurtan ayaa da’dooda lagu kala sheegay hal sano iyo bar iyo 4 sano jir.
Booliiska degmada Nyamache ayaa hoggaamiyey howlgal lagu raadinayay meydadka carruurtan.
Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in labada canug ay ku cayaarayeen meel u dhow webiga ka hor inta aynan ku dhicin biyaha .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in meydadkooda ugu dambeyn lagu arkay meel 3 kiilomitir u jirta hooygooda tuulada Bokinami.
Waxaa hadda meydadka laba carruur la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka degmada Nyamache iyadoo ay baaritaano dheeraad ah socdaan.