Waxaa lagu soo warramayaa in labo sarkaal oo ka mid ahaa ciidamada booliiska ee dalka ay galinkii dambe ee shalay weerar ku dhinteen.
Weerarka ayaa ka dhacay ismaamulka Mandera ka dib markii baabuur siday ciidamada ay ku qaraxday miino dhulka lagu aasay.
Baabuurka ayaa xilligaasi marayay inta u dhexeysa deegaannada Banisa iyo Rhamu ee dowlad deegaankaasi gaar ahaan aagga loo yaqaano Gubba.
Ciidamada ayaa waxay ilaalo u ahaayeen shacab ka safray Banisa oo ku wajahnaa Mandera.
Waxaa falkaasi ku dhaawacmay afar sarkaal oo booliis iyo qof shacab ah.