Taliyaha guud ee ciidamada booliska dalka Mr. Hilary Mutyambai ayaa hoggaamiyaasha uga digay in ay gudaha ismaamulka Laikipia ku qabtaan kulamo iyagoo aan oggolaansho haysan.
Mr. Mutyambai ayaa bayaan ku sheegay in xaaladda amni ee dowlad deegaankaasi aynan weli xasilooneyn ka dib markii ay halkaasi ka dhaceen falal sababay dhimasho, barakac iyo burbur hantiyeed.
Abaanduulaha booliska waxaa uu si cad u sheegay in aan isku imaatin siyaasadeed lagu qaban karin Laikipia.
Dowladda dhexe ayaa maalmihii ugu dambeeyay wadday dadaalo ka dhan ah siyaasiyiinta lagu eedeyay inay is qabadsiinayaan shacabka.
Waxaa ilaa iyo hadda la xiray labo ka mid ah siyaasiyiinta gobolka Rift Valley.