Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda waxbarashada ee dalka Dr. Esther Thaara Muoria ayaa sheegtay in dowladda dhexe ay soo saartay lacag dhan 192 bilyan oo shilin.
Miisaaniyaddan ayaa loogu tala galay machadyada lagu barto culuunta farsamada ee TVET.
Dr. Esther Thaara Muoria ayaa sheegtay in lacagtan loo adeegsan doono howlaha bixinta casharrada , qalabka tababarrada iyo qarashaadka kale.
Waxay hoosta ka xarriiqday in tani ay ardayda fursad u siinaysa inay si habsami leh u bartaan culuunta farsamada gacanta si ay ugu shaqeystaan.