Hoggaamiyaha mucaaradka Afghanistan oo diyaar u ah inuu wada-hadal la yeesho Taalibaan

0
444

Hoggaamiyaha koox mucaarad ah dalka Afghanistan ee ka soo horjeeda ciidamada Taalibaan ee gobolka Panjshir Axmad Mascuud ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu wada-hadal la furo kooxda Taalibaan ee bartamihii bishii hore la wareegtay hoggaanka dalkaasi.
Waxaa uu sidoo kale Mascuud soo dhaweeyay soo jeedino ka yimid culimada oo ah in la yeesho wada xaajood lagu soo afjarayo dagaallada.
Axmad Mascuud oo ah madaxa (NRFA)ayaa go’aanka uu qaatay ku shaaciyay barta Facebook-ga.