Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa xilli uu maanta ku sugnaa ismaamulka Murang’a ee gobolka bartamaha dalka sheegay in hadii sanadka 2022-ka loo doorto xilka madaxweynenimo ee Kenya uu dhameystiri doono mashaariicda horumarineed ee uu hakadka ku yimid sida uu hadalka u dhigay ka dib markii ay bishii saddexaad ee sanadkii 2018-kii heshiiyeen madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.
Waxaa uu dhanka kale dalbaday in raaligelin laga bixiyo saameynta ku timid fulintii qorshayaashii horumarineed ee dowladda dhexe heshiiskii taariikhiga ahaa awgii.