19 ka mid ah shaqaalaha ismaamulka Migori oo is casilay

0
280

Waxaa xilalkii ay hayeen iska casilay 19 ka mid ah howlwadeennada ismaamulka Migori.
Shakhsiyaadkan ayaa ka mid ahaa 93 qof oo lagu eedeyay in ay adeegsadeen shahaadooyin waxbarasho oo been abuur ah taasi oo u suuragelisay in la shaqaaleysiiyo.
Xoghayaha dowladda ismaamulka Migori ,Oscar Olima ayaa warbaahinta u xaqiijiyay inuu helay warqadaha is casilaadda ee howlwadeennadan.
Olima ayaa intaasi ku daray in 25 ka mid ah shaqaalaha lagu tuhmayo in ay adeegsadeen shahaadooyin waxbarasho oo faalis ah ay soo gudbiyeen codsiyo ku aaddan in la siiyo fursad ay iskaga difaaci karaan dhaliishan.
Waxaa uu sheegay in dadkan la siinaya fursad ay isku difaacaan ka hor inta aan la qaadin tallaabada xigta.
Mas’uulkan ayaa sheegay in golaha imtixaannada qaran ee KNEC uu xaqiijiyay in ugu yaraan 2700 oo qof oo ka shaqeeya ismaamulka Migori ay sitaan shahaadooyinka dugsiyada hoose iyo kuwa dhexe oo been abuur ah.
Waxaa uu Olima tilmaamay in ay baaritaano ku hayaan qaar ka mid ah shaqaalaha oo isticmaalay shahaadooyinka machadyada oo aan rasmi ahayn.