Madaxweynaha Soomaaliya ayaa faray inuu shaqadiisa uu sii wato Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo xilka madaxada hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA uu ka qaaday Rw Rooble.
Bayaan uu soo saaray MD Farmaajo ayuu ku sheegay in go’aanka ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble in uu yahay mid baal marsan xeerarka oo aan waafaqsanayn Dastuurka dalkaasi.
MD Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka jawaabayay qoraal uu soo saaray Rw Rooble, kaas oo uu shaqada uga joojiyay madaxa hay’adda NISA.
Rooble ayaa xilkaas si ku meel gaar ah ugu magacaabay Sarreeye Guud, Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe).
Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxa ay cuksanayaan qodobbo ku dhigan dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.
Home Wararka Soomaaliya Maxaa kasoo kordhay xilka qaadistii iyo kusoo celintii Fahad Yaasiin ee madaxa...