Siyaasiyiinta xulafada la ah madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ee ka soo jeedo ismaamullada gobolka bartamaha wadanka ayaa wacad ku maray inay taageero buuxda siin doonaan xisbiga UDA ee la filayo in Ruto uu u adeegsado loolanka madaxtinimo ee sanadka 2022-ka.
Xilli ay kulan yeesheen ayay hoggaamiyaashan ku gacan seyreen in gobolkaasi uu yeesho xisbiyo badan.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in xisbiyada la aasaasay looga gol-leeyahay fulinta dano gaar ah.
Xildhibaan Cecily Mbarire oo baarlamaanka si magacaabid ah ku gashay oo warbaahinta u akhrisay qaraarka laga soo saaray shirka ayaa xustay inay go’aansadeen inay garab istaagaan hal xisbi keliya oo ah UDA.
Mudanaha laga soo doortay deegaanka Mathira ee ismaamulka Nyeri Rigathi Gachagua ayaa dhankiisa tilmaamay inay ka soo horjeedaan xisbiyo ku saleysan qabiil oo ay door-bidayaan dallad guud oo diiradda saareysa arrimaha dhaqaalaha iyo danaha shacabka Kenyaanka ah.