Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ee Soonmaaliya ayaa waxay markale soo saareen jadwal Cusub oo la xiriira doorashooyinka Xubnaha ka haray Xildhibaannada Aqalka Sare iyo doorashada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu iclaamiyay in doorashada golaha Aqalka Sare la qorsheeyey in lasoo gabagabeeyo 18-ka bishaan September.
Sidoo kale 25-ka bishaan ayaa la guda gelayaa diyaarinta iyo diiwaan gelinta guddiga soo xulaya ergooyinka iyo musharaxiinta xildhibaanada golaha shacabka.
1-da bisha October ayaa Guddigu sheegay inay bilaabaneyso doorashada xildhibaanada golaha shacabka, iyadoo lasoo gabagabeyn doono 20-ka bisha November.
Ugu dambeyntiina 25-ka November waxaa bilaabanaya shahaado bixinta xubinimada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ee Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore waxay soo saareen jadwal doorasho, kaasoo aan dhaqan gelin, waxaana weli jira caqabadihii dib u dhigay doorashooyinka dalka, kuwaasoo xal ka gaaristooda ay ku howlan tahay Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.