Xulafada Raila “William Ruto ha shaaciyo dhammaan hantidiisa”

0
429

Xulafada madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa ka doonaya ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto inuu shaaca ka qaado hantidiisa, hadii uu u arko in si aan cadaalad ahayn ay u bartilmaamedsanayaan kuwa ka soo horjeeda yoolkiisa siyaasadeed ee xilka madaxtinimada.
Xildhibanka Rarieda ee ismaamulka Siaya Otiende Amollo, dhiggiisa Gem Elisha Odhiambo iyo baadari Prof. David Kodia ayaa difaacay wasiirka arrimaha gudaha Fred Matiangi’I oo lagu eedeeyay inuu ka badbadiyay hantida Dr. Ruto.
Dr. Otiende ayaa u sheegay madaxweyne ku xigeenka inuusan eedeyn Mr.Matiang’I, hadii uu arkana inuu ka been sheegay hantidiisa shacabka hala wadaago si ay kuu qiimeeyaan inaad adiga kasbatay iyo in kale.
Hoggamiyeyaasha ayaa sido kale soo cusbooneysiiyay inay Dr. Ruto uu iska casilo xilka uu ka hayo dowladda hadii uu aaminsanyahay inay ku guul dareysatay oofinta balamihii ay shacabka la gashay.
Xildhibanka Gem ayaa laamaha baaritanada ugu yeeray inay baaraan sida uu madaxweyne ku xigeenka hantiida ku helay.