Hanti dhowraha guud ee dalka Nancy Gathungu ayaa su’aal gelisay qaabka maamulka warfaafinta iyo isgaarsiinta ee (ICTA) uu u adeegsaday dhaqaale dhan 123.9 milyan oo shilin.
Miisaaniyaddan ayaa maamulka lagu wareejiyay sanad maaliyadeedkii 2019-2020-kii.
Waxay sheegtay in maamulka ICTA uunan warbixin faahfaahsan u gudbin wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta howlaha qaranka.
Waxay tani micnaheedu tahay in maamulka qaabilsan adeegyada warfaafinta iyo isgaarsiinta uu ka soo jawaabo eedeynta loo jeediyay ee ah in sida habboon uunan u isticmaalin qiimaha lacageed ee la shaaciyay.