Baarlamaanka Japan oo aan la kala diri doonin bartamaha bishaan

0
400

Ra’iisul wasaaraha dalka Japan Yoshihide Suga ayaa maanta warfidiyeenada u sheegay inuunan qorsheynayn in bartamaha bishan sagalaad uu kala diro golaha qaran ee xeer dejinta wadankaasi.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii warbaahinta gudaha Japan ay tabisay inuu jiro qorsho lagu jabinaya baarlamaanka.
Sidoo kale ra’iisul wasaare Suga ayaa la sheegay inuu ka baaran degaya sidii ay doorashada guud ee Japan u qabsoomi lahayd 17-ka bisha Tobnaad ee sanadkan.
Hasa ahaate hadalka ka soo baxay ra’iisul wasaaraha Japan ayaa loo fasirtay mid uu ku sii xoojinayo awoodiisa maamuleyd maadaama uu cadaadis xooggan wajahaya.