Al-Shabaab oo goob fagaare ah haweenay ku toogtay

0
948

Sida ay baahisay warbaahinta gudaha Soomaaliya Xubno ka tirsan dagaalameyaasha Ururka Al-Shabaab ayaa waxaay fagaare ku yaalla deegaanka lagu magcaabo Shaw oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ay ku toogteen Haweeneey ay ku sheegeen inay ka tirsaneyd Ciidamada amaanka ee Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hir-Shabeelle.
Goobta toogashada ay ku fulinayeen ayaa wararku sheegayaan inay ku sugnaayeen dadweyne ka kala yimid Xaafadaha qaar ee degaankaas, kuwaasoo ay Al-Shabaab ku amreen inay daawadaan sida ay u dhaceyso toogashadu.
Haweeneeyda ay Al-Shabaab fagaaraha ku toogteen ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Anfac Xuseen Muxumed, waxaana Al-Shabaab ay ku eedeeyeen inay la Shaqeeyneysay Maamulka Hir-Shabeelle kana tirsaneyd Ciidamada Millateriga ee ka howlgallayay Xerada lama galaay ee Magaalada Beledweyne sida ay hadalkooda u dhigeen.
Al-Shabaab ayaa horay waxaa sidaan oo kale degaannada ay maamulaan ugu toogteen dad badan oo ay ku eedeeyeen inay la Shaqeeynayeen dowladda Federalka Soomaaliya iyo dowladaha kale ee taageera.