Waalidiinta aan carruurta gayn dugsiyada sare oo khatar ugu jiro in la xiro

0
532

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay inay suurtagal tahay in xabsiga loo taxaabo waalidka hadii canugiisa dhameeyay dugsiga hoose dhexe uunan gayn dugsiga sare.
Waalidiinta ay carruurtooda weli guriyaha joogaan ayaa loo qabtay ilaa 3-da bishan sagalaad oo Jimcaha ku beegan.
Prof. Magoha ayaa xusay in mas’uuliyiinta waxbarashada oo kaashanaya booliska ay tagi doonaan guriyaha.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in waalidkii aan amarkan u hoggaansamin la xirayo si loogu soo oogo dacwad ah inuu canugiisa ka hor istaagay xaqa dastuurka ee ah inuu wax barto.
Wasiirka wasaaradda tacliinta ee Kenya ayaa ku celceliyay in aynan jirin cid hor istaagi karto fulinta qorshaha dowladda ee ah in ardayda dhameeyay dugsiyada hoose dhexe ay boqolkiiba boqol u gudbaan dugsiyada sare ee dalka.