Waddoyinka qaar xiran ee Nairobi oo la furi doono

0
755

Dowladda ayaa sheegtay in dhammaan waddooyinka xiran ee ku teedsan waddada wayn ee Mombasa Road ee magaalada Nairobi la furi doono 15 -ka bisha Tobnaad ee sannadkan.
Ku simaha agaasimaha guud ee maamulka qaran ee waddooyinka waaweyn ee KENHA David Muchilwa ayaa sheegay in waddada aadda gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA islamarkaana ka imaadda Mlolongo la furi doono 10-ka bisha soo socota.
Waxaa uu intaa ku daray in waddada aadda qaybta xaafadda Westland la furay shalay halka isgoyska Haile Selassie ee jaamacadda Nairobi la furi doono 15-ka bisha Tobnaad ee sanadkan.
Maamulka KENHA ayaa dhanka kale sheegay in kooxo isku dhaf iyo saraakiisha taraafikada loo xilsaaray inay xakameeyaan saxmadda ka dhex jirta waddooyinka caasimadda dalka, sidoo kalena ay si deg deg uga jawaabaan hadii ay shilal dhacaan.
Dhanka kale gaadiidleyda ayaa loogu baaqay in xaawaraha loogu talagalay in lagu wado gawaarida ay ku ekaadaan, madaama waddooyinka qaar ay dhismo ku socoto.