Taalibaan oo dhawaan soo dhisi doonto dowlad cusub

0
689

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Pakistan ayaa shir jaraa’id oo uu maanta qabtay ku sheegay in dowlad la isku raacsan yahay lagu soo dhisi doono maalmaha soo socda wadanka Afghanistan.
Taalibaan ayaa hore u sheegtay inay wada -hadallo kula jiraan dhammaan kooxaha si ay heshiis uga gaaraan dowladda mustaqbalka.
Faahfaahinta sida kooxdu u maamuli doonto dalka, iyo waxa uu xukunkoodu uga dhigan yahay haweenka, xuquuqda aadanaha, iyo xorriyadda siyaasadda ayaan weli caddayn.
Diyaaradii Millateri ee ugu dambeysay oo uu Mareykanka leeyahay ayaa xalay ka baxday garoonka magaalada Kabul, taasoo soo af-jartay 20 sano oo ay ciidamadaas ku sugnaayeen Afghanistaan, iyo dagaalkii ugu muddada dheeraa ee Mareykanka.
Ciidamada Taalibaan ayaa isla markii ay ka baxeen Maraykanku la wareegay nabadgelyada garoonka Kabul.