Magaalada Hargeysa waxaa Maanta oo Talaado ah kulan ku yeeshay Xildhibaannada Golaha Wakiilada Somaliland, waxayna kulankoodaas ku ansixiyeen Xeer ay u soo gudbiyeen 16 kamid ah Xubnaha Golaha Wakiilada Soomaaliland.
Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 60 mudane, waxaana Goluhu ansixiyeen xeerka shaqaalaha Dawlada iyo xeerka sahaminta Shidaalka.
Xeerarkaan oo cod gacan taag ah lagu ansixiyey ayaa waxa u codeeyey 58 xildhibaan, waxaa diiday 1 xildhibaan, sidoo kale waxaa ka aamusay 1 xildhibaan, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland.
Xubnaha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maalmaha soo socda waxaay yeelan doonaan kulamo isdaba joog ah, waxaana horyaalla xeerar dhowr ah, kuwaasoo laga doonayo inay meel mariyaan.
Dhanka kale wasiirka awqaafta iyo arimaha diinta Soomaaliland sh khaliil cabdillaahi Axmed oo wax laga waydiiyay xariga Samefale wariye C/maalik Sh Muse Coldoon oo dhawaan Soomaalialdn xidhay sidoo kalena la sheegay in maxkamada la soo taagayo ayaa beeniyay in waxyaabo diinta islaamk ka hor imaanaya lagu faafinayo Soomaaliland isagoona ku eedeeyay wariye C/maalik in arinta uu ka hadlay ay ka dhalatay dhibaato xitaa dhan qabiil gaadhay.
Wasiirka awqaafta Soomaaliland ayaa sheegay in dastuurka Soomaaliland qorayo inaan diin aan tan islaamka ahayn laga oggolayn Soomaaliland Madaxweynaha,wasiiradiis iyo guud ahaan umaddana ay waajib ku tahay ilaalinta diinta islaamka.