Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka shabeelada dhexe ayaa sheegayo in Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali C/laahi Xuseen Guudlaawe la filayaa inuu saacadaha soo socda ku dhawaaqo liiska xubnaha musharaxiinta u tartamaya Xildhibaanada aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ka soo galaya deegaanada maamulka Hirshabeelle.
Arrintan ayaa timid kadib markii maalmihii la soo dhaafay uu kulamo aan loo kala kicin madaxweyne Cali Guudlaawe ka waday magaalada Jowhar.
Musharixiin aad u fara badan ayaa gaaray saacidihii ugu dambeeyay magaalada Jowhar, kuwaasoo doonayo inay u tartamayaan senatorada aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ka soo galaya deegaanada Hirshabeell.
Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle ayaa ah maamulka kali ah ee aan wali soo dooran xubnaha aqalka sare ee Soomaaliya ku matalaya deegaanadooda maadaama maamulada kale qaarkood ay dhamaan xubnihii aqalka sare doorteen kuwo kale qaar ka mid ah doorteen hadana la qorshaynayo in la gudagalo doorashada xubnaha golaha shacabka ee baarlamaanka fedraalka Soomaaliyeed.
Home Wararka Soomaaliya Madaxweynaha Hirshabeelle oo la filayo inuu ku dhawaaqo liiska musharraxiinta aqalka sare