Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa wasiirrada wasaaradda gaashaan dhigga ee Kenya Ambasadoor Monica Juma u soo xushay inay noqoto xoghayaha guud ee toddobaad ee ururka wadamada barwaaqa-soorkanka ee loo yaqaano Commonwealth.
Mr. Kenyatta ayaa wasiiradda ku ammaanay inay tahay haweeney waayo aragnimo u leh istaraatiijiyadda dhanka hoggaanka, maamulka , matalaadda iyo aqoonta dowladeed.
Madaxweynaha ayaa xusay in Monica Juma ay tahay dibloomaasiyad sida habboon uga soo baxday dhammaan waajibaadkii horay loogu igmaday.
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo wasiirka difaaca u xushay xoghayaha dalladda barwaaqa- sooranka