DHAGEYSO:5 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay waddada u dhexeysa Kericho iyo Nakuru

0
466

Shil ka dhacay meel u dhow isgoyska Londiani ee waddada wayn ee u dhexeysa ismaamullada Kericho iyo Nakuru ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen 5 qof.
Shilka oo laga soo tabiyay goobta loo yaqaano Jubat ayaa yimid ka dib markii uu qarxay taayarka dhanka bidix ee mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee mataatuuda taasoo keentay in darawalka uu xakameyn waayo gaariga.
Waxaa dhacdadan iyo khasaaraha ka dhashay warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha saldhigga booliska ee degmada Londiani Joseph Mutungi.
Mutungi ayaa intaa ku daray in mataatuuda ay waddada ka baxday oo ay rogmatay dhowr mar ka hor inta aynan ku dhicin god dhagaxaan laga buuxiyay.
Mr.Mutungi ayaa intaa ku daray in saddex qof ay isla goobta shilka ku dhinteen halka labada kale ay geeriyoodeen iyagoo lagu dabiibayo isbitaalka Londiani.
Mid ka mid ah goobjoogayaasha shilkan ayaa warbaahinta u faahfaahiyay sida ay wax u dhaceen.

Waxay wararku sheegayaan in rakaabka baabuurka saarnaa ay ku wajahnaayeen ismaamulka Kisumu si ay ugu soo dabaal degaan maalinka dhalashada ee mid ka mid ah.
5 qof oo kale oo ay soo gaareen dhaawacyo culus ayaa lagu daweeyay isbitaalka degmada Londiani.
Labo ka mid ah dhaawaca ayay xaaladoodu wanaagsan tahay iyadoo saddex kale oo liita loo qaaday isbitaalka wayn ee ismaamulka Kericho si ay u helaan daryeel dheeraad ah.
Meydadka shanta qof ee shilka ku dhintay ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka magaalada Molo ee dowlad deegaanka Nakuru.